Wariyihii caanka ahaa ee BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga Axmed Cabdi Nuur ayaa maanta ku geeriyooday waqooyinga magaalada Landon ee dalka Ingariiska.
Allaha u naxriistee Wariye Axmed Cabdi Nuur oo maalmahaan xanuunsanaa ayaa la sheegay inuu u geeriyooday cudurka safmareenka ah COVID-10, kadib 16 maalin oo uu la xanuunsanaa.
Wariye Axmed Cabdi Nuur ayaa ka mid ahaa wariyeyaashii ka soo shaqeeyey Radio Muqdisho sidoo kale waxaa uu ka soo shaqeeyey idaacadda BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga, waxuuna ku soo biiray bishii June ee sanadkii 1996 isagoo uga soo warami jiray magaalada Muqdisho.
Horaantii sanadkii 2019-kii ayuu ka fariistay shaqada BBC Soomaali, maadaama ay laanta Afsoomaaliga barnaamijyadeedii London oo dhan u wareejisay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay Geerida Axmed Cabdinuur, isaga oo uga tacsiyadeeyay ehellada iyo saaxiibadii uu ka baxay.
Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii, asxaabtii iyo ummadda Soomaalieed ee uu ka baxay Allaha u naxariistee wariye Axmed Cabdinuur oo ka mid ahaa tiirarka Warbaahinta Soomaaliyeed. Waxaan Eebbe uga baryayaa in uu jannadii Fardowso ka waraabiyo, ehelkiisana samir iyo iimaan ka siiyo.