Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Abaaraha U qaabilsan Oo Gaaray Baardheere

0
346

Wafdi uu hoggaaminayo Ergayga gaarka ah ee Arrimaha Bini’aadannimada & Abaaraha u qaabilsan Madaxweynaha Soomaaliya Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa Maanta gaarey degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Wafdiga oo ay qeyb ka yihiin mas’uuliyiin ka socda dowladda Qatar ayaa halkaasi u tegay inay u kuur galaan xaaladda ay ku sugan yihiin dadka ay abaarta saameysay ee kunoo degmadaasi Baardheere.

Xubnaha wafdiga ayaa kormeeray xerooyinka ay degan yihiin dadka ay abaarta kasoo barakicisay degaano hoostaga degmada Baardheere, iyaga oo warbixino ka dhageystay horjoogayaasha xerooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here