GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO LA KULMAY GUDDIGA DHAQAALAHA QARANK
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay qaar ka mid ah Guddiga Dhaqaalaha Qaranka oo uu hoggaaminaayey guddoomiyaha gudigga Dr. Cali Ciise.
Mas’uuliyiinta ka socotay Guddiga Dhaqalaha ayaa Gudoomiyaha Golaha Shacabka ka codsadey dhamaystirka sharciga muhiimka u ah dardar-gelinta iyo kor u qaadida dhaqaalaha dalka gaar ahaan sharciga midaynta maaliyadda dalka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan (Madoobe) oo amaanay kaalinta muhiimka Qaranka u ah ee ay ku leeyihiin Guddiga Dhaqaalaha Qaranka ayaa ku dhiira geliyey madaxdooda sii xoojinta dedaalada lagu horumarinaayo nidaamka maaliyadeed ee dalka.
Dhammaad













