Maamulka Degmada Kaxda oo kaashanaya waaxda nadaafadda iyo bilic soo celinta Dowladda Hoose ayaa olole nadaafeed ka sameeyay degmadaas.
Hawshan ayaa waxa ay qayb ka tahay qoshaha lagu soo celinayo nadaafadda caasimadda dalka, iyadoo hawshan ay ka qaybqaateen bulshada degmadaas ku nool.
Degmada Kaxda oo ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir ayaa kaalimaha hore uga jirta qorshayaasha lagu xoojinayo nadaafadda guud ee magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha degmada Kaxda, Cabdulllaahi Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ku ammaanay shacabka degmadaas sida ay uga go’an tahay bilic soo celinta caasimadda, gaar ahaan degmada ay ku nool yihiin.














