Duqa Muqdisho Oo Casho sharaf U Sameeyay Wasiiradda D/G ee Dhalinyaradda+Sawiro

0
324

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale(Maddaale) ayaa casho sharaf sagootin ah u sameeyay Wasiirrada Dhalinyarada iyo Cayaaraha Dowlad Goboleedyada dalka oo maalmihii lasoo dhaafay Magaalada Muqdisho u joogay ka qeybgalka Shirka Wada-tashiga Wasaaradaha Dhalinyarada iyo Cayaaraha Maamul Goboleedyada, Gobolka Banaadir iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Barre Maxamuud iyo Wasiirrada Dowlad Goboleedyada dalka ayaa kaga mahadceliyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) casho sharafta uu ku maamuusay iyagoona dhinaca kale xusay in ay ka shaqeyn doonaan horumarinta Dhalinyarada iyo Isboortiga dalka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here