Duqeyn lagu burburiyay xarumihii Alshabaab ee degmada Tiyeegloow

0
170

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa  duqeyn xoogan ka fuliyay degmada Tiyeegloow ee gobolka Bakool oo ay gacanta ku heyso kooxda Al-Shabaab.

Taliska Mareykanka ee Qaarada Afrika ee loo yaqaano Africom ayaa Warsaxaafadeed kasoo baxay waxaa lagu sheegay in duqeyntaas ay ku burburiyeen Xarumo ay leeyihiin Al-Shabaab,  balse aan wax khasaaro ah kasoo gaarin dad rayid ah.

Gobolka Bakool ayaa waxaa uu ka mid yahay meelaha ay awooda xoogan ku leeyihiin Al-Shabaab, waxana u go’doonsan degmooyinka Xudur,  Waajid iyo Ceel-Barde.

Duqeyn taan ka dhacday degmada Tiyeegloow ee Gobolka Bakool ayaa waxaa ay kusoo aadeeysaa xilli Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu ku sugan yahay degmada Xudur, isla markaana uu Amar ku bixiyay in la qaado dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here