Madaxweyne Xasan Sheekh oo saxiixay sharciga ilaalinta iyo maaraynta deegaanka oo uu soo Ansixiyay Baarlamaanka

0
239

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Sabtidii shalay saxiixay sharciga illaalinta iyo maareynta deegaanka oo ay horay u ansixiyeen labada aqalka ee Baarlamaanka JFS.

Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, marwo Khadiijo Maxamed Almakhsuumi ayaa uga mahad-celisay madaxweynaha inuu saxiixay sharcigan oo muhiim ah ilaalinta deegaanka.

“Waxaan u mahad-celinayaa madaxweynaha dalka oo saxiixay sharciga ilaalinta iyo maareeynta deegaanka ee ay horray u ansixiyeen labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya,” ayay tiri wasiir Khadiijo Almakhsuumi.

Sidoo kale, Wasaaraddda deegaanka iyo isbeddelka cimilada ayaa in muddo ah ku hawlaneed soo saarista sharci lagu badbaadin karo, laguna maareeyn karo deegaanka.

Ugu dambeyn, Sharcigan ayaa muhiim u ah illaalinta iyo maareeynta deegaanka si looga hortago, loona yareeyo saameeynta dalkeenu ku yeelan karto isbeddelka cimiladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here