Mas’uuliyiinta Maamulka G/Banaadir oo la kulmay madaxda magaalada Konya

0
318

Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka Gobolka Banaadir ee Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed oo uu wehliyo Agaasimaha Waaxda Xiriirka Arrimaha Dibadda iyo Hey’addaha Caalamiga Mudane Maxamed Xasan ayaa Magaalada Konya ee dalka Turkiya kulan kula qaatay Xoghayaha Guud ee Dawladda Hoose ee Konya Mudane Ercan Uslu, iyagoo ka wada hadlay xoojinta Xiriirka Dowladdaha Hoose ee Muqdisho iyo Konya.

Kulanka ayaa sidoo kale loogu hadlay sidii sare loogu qaadi lahaa iskaashiga ku dhisan aqoon isweydaarsiga, iyadoo Shaqaalaha Dowladda Hoose ee Xamar loo fidin doonno tababaro la xariira horumarinta, Maareynta Bulaacadaha iyi Biyo-Qabadyada oo muhiimad gaar ah u leh Maamulka Gobolka Banaadir.

Ugu danbeyn Xoghayaha Dowladda Hoose Konya ayaa Maamulka Gobolka Banaadir ku martiqaaday Shirweynaha Ururka Magaalooyinka iyo Caasimadaha Islaamka oo dhawaan lagu qaban doono Magaalada Konya ee dalka Turkia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here