Guddoomiye Yabooh oo Kormeerro ku tagay Xarunta Dab-damiska iyo Degmada Hodan

0
343

Guddoomiye ku-xugeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed  Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa xarunta dabdamiska iyo xarunta degmafd Hodan ku tagay kormeer isla xisaabtan shaqo oo la xariira Amniga, Garsoorka, ka hortagga maandooriyaha iyo hirgalinta isgaarsiinta.

Guddoomiye Yabooh ayaa xarunta degmada Hodan kula kulmay maamulka degmada, isagoo ka dhageystay warbxinno quseeya xaaladda degmada ay mas’uulka ka yihiin iyo caqabadaha ka jira, waxa uuna faray in aan la aqbali doonin dayac la xariira hawlaha bulshada loogu qidmeynayo.

Ugu dambeyn, Kormeerkan ayaa qayb ka ah dardar-gelinta hawlaha maamulka gobolka Banaadir, si loo xoojiyo hawlaha loo hayo bulshada ku nool Gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here