Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yussuf Hussein Jim’ale Madaale ayaa soo xiray shirka Banbaxa Maamulka Gobolka oo looga Hadlayay qorshaha hortabinta leh shanta sano ee soo socota.
Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay ahmiyadda uu shirkani u leeyahay howl fulinta maamulka, isagoo dhinacyada kala duwan ee maamulka kula dardaarmay in wada shaqeyn dhow lala yeesho bulshada.














