Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo madaxda dowlad-goboleedyada dalka, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlawe) ayaa ka qayb-galay casho sharaf uu Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ku maamuusayay madaxda ka qayb-gashay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka.
Sidoo kale, Munaasabadda waxaa ka qayb-galay Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS, Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS, Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha XFS, Wasiirka Wasaaradda Beeraha XFS, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Guddoomiye Ku-xigeennada maamulka G/Banaadir, Xildhibaanno, Guddoomiyaha Degmada Cabdicasiis, Agaasimeyaal iyo marti sharaf kale.
Ugu dambeyn, Madaxda ayaa cashada kaddib waxa ay socod ku mareen xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis iyaga oo halkaas ku salaamay bulshada Caasimadda ku nool qaarkood oo ku fiidsanayay xeebta Liido.

























