Guddoomiye ku-xigeenka hawlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir, mudane Xasan Maxamed Jimcaale ayaa ka warbixiyay u diyaar-garowga saadaasha cimilo ee El-Niño iyo kormeer uu ku tagay goobaha biyo qabadyada caasimadda dalka ee Muqdisho.
Dhawaan ayuu guddoomiyaha gobolka Banaadir kala shiray saadaashan cimilo ee El-Niño hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka, waxa uuna shacbka caasimadda ku nool ugu baaqay inay ka foogaadaan meelaha biyo mareennada ah iyo sidoo kale goobaha biyo-qabadka ah.
Ugu dambeyn, Roobabka biyaha badan wata ee loogu magacdaray El-Niño ayaa lagu wadaa in maalmaha soo aaddan ay ka da’aan deegaanno ka mid ah dalka, iyadoo aad loo hadal-hayo El-Niño iyo xaaladdu sida ay noqon doonto.













