Odayaal heshiis la galay Khawaarijta oo lagu xukumay Sanado Xabsi ah

0
383

Maxkamad ciidamada Qalabka sida ayaa maanta shan sano oo xabsi ah iyo il ku haynta Booliska ku xukuntay odayaal Cadaado laga soo xiray 27-kii bishii December ee 2022, kaddib heshiis ay Khawaarijta kula galeen Xarardheere intii aan  khawaarijta laga saarin 16-kii bishan.

Sida uu warbaahinnta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidamada Qalabka Sida.

18-kii January sanadkan ayay soo dhammaatay maxkamadaynta; Cumar Maxamed Jimcaale Aadan (Cumar Faniinte), Cali Axmed Xayle Caraalle (Cali Yare) iyo Sugaal Warsame Cali Yarow.

Ciidamada amniga ayaa Cadaado ka soo xiray December 27-keedii Sanadkii tegay Odayashan oo heshiis kula soo galay Xarardheere inta aan laga xorreyn khawaarijta.

Odayaasha ayaa diiday amar dowladda ka yimid oo ahaa in aan lala macaamili karin Argagixisada oo ay dowladdu dagaal kula jirto, waxa ayna is geeyeen si iskood ah Xarardheere, odayaasha ayaa haysta fursad ay ku dalban karaan Rafcaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here