Qaramda Midoobay oo ku howlan xalinta muranka ka jiro arrimaha doorashada

0
108

Wakiilka gaar ka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, danjire James Sawan ayaa ku howlan xalinta muranka ka jiro arrimaha doorashada dalka.

Danjire Jemis Swan ayaa xirriro kala duwan la sameeyay madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa dowlad Goboleedyada, si ay uga heshiiyaan muranka ka taagan dhanka doorashoyinka.

Amb. Sawan ayaa madaxda ka dalbaday inay muujiyaan isfahan iyo isku tanaasul, si ay  dlaka uga dhacdo doorsho la isku raacsan yahay, islamarkaana dhianacyada ay wadahada isugu yimadaan,  si meesha looga saaro khilaafka.

Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa horay u codsaday in shir la isugu yimaado, si loo xalliyo tabashooyinka jira, hase ahaatee dowladda Federaalka ayaa la sheegay inay diidan tahay wada hadal xilligan la isu yimaado, taa bedelkeed heshiiskii 17 September la hirgeliyo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here