Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax-dhigay waddo laami ah oo laga hirgelinayo degmada Daarusalaam ee Magaalada Muqdisho.
Duqa Caasimadda ayaa boogaadiyay iskaashiga ka dhaxeeya bulshada, ganacsatada iyo maamulka degmada ee lagu horumarinayo kaabayaasha isku socodka waddooyinka, isaga oo xusay in barnaamijka dalkaaga ku dhiso hal doollar loogu gol-leeyahay in bulshada ay iyadu isku tashato, ayna qeyb ka noqdaan horumarka dalka.
Munaasabadda dhagaxdhigga waxaa ka ahaa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha degmada Daarusalaam, mudane Maxamed Cabdiraxmaan Maxamuud, madax ka socotay Salaam Bank oo iyagu gacan ka geysanaya dhismaha waddadaan iyo qeybaha kala gedisan ee bulshada degmada Daarusalaam.
Ugu dambeyn, Dhagax-dhigga waddadan laamiga ah ayaa waxay qayb ka yihiin tiro waddooyin ah oo uu sanadkaan Muqdisho ka hirgeliyay maamulka gobolka Banaadir, kuwaasoo uu dhagax-dhigay Duqa Xamar.





































