Maamulka Degmada kaxda ee Gobolka Banaadir oo kaashanaya waaxda gaadiidka Dowladda Hoose ee Xamar iyo shirkadda IFI ayaa olale nadaafadeed ka sameeyay degmada Kaxda.
Olalahan ayaa waxaan ka qayb-qaatay ururka haweenka iyo dhallinyarada degmada Kaxda iyo dadweyne kale oo ku nool degmadaas.
Guddoomiyaha Degmada Kaxda Mudane Cabdullaahi Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ugu baaqay shacabka iyo ganacsatada Degmada in ay ka qayb-qaataan ololaha ka socda degmada si loo helo degmo nadiif ah.
Ugu dambeyn. Agaasimaha Guud ee Waaxda Nadaafada iyo Bilic soo celinta Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dolwladda Hoose ee Xamar Mudane Maxamed Suudi ayaa ugu baaqay ganacsatada inay ka shaqeeyaan bilicda deegaanka.














