SAWIRRO: Kulanka Qaybta Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir oo lagu soo bandhigay Waxyaabihii u Qabsoomay

0
241

Qaybta amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta isugu yimid kulankoodii caadiga ahaa, waxaa shir guddoominayay guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh).

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa; gaasinayaasha qaybta amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, xiriiriyaha amniga iyo nabadda gobolka Banaadir, Caasho Cumar Geesdiir, Shukri Cosoble oo ah wakiilka tubsan u qaabilsan G/Banaadir iyo garyaqaanka gobolka Banaadir.

Dhamaan ka qayb-galayaasha waxaa laga dhageystay warbixinno la xiriirta wixii u qabsoomay iyo caqabadaha jira.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Yabooh oo bogaadiyay shaqada socota, isaga oo kula dardaarmay ka qayb-galayaasha inay laba-laabaan shaqooyinka loo igmaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here