Golaha Wasiirrada Xukuumada Federaalka Somalia oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ahaa, ayaa looga hadlay amniga dalka iyo hawlgallada lagu cirib-tirayo kooxaha Khawaarijta ah ee ka socda qaar ka mid ah gobollada dalka.
Shirka oo uu guddoominayeay ra’iisul wasaaraha xukuumadda JFS, mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu bogaadiyay guulaha ciidanka amniga iyo kuwa xoogga dalka ay ka gaareen dagaallada dalka loo sifeynayo kooxaha nabad-diidka ah ee baneystay nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, golaha ayaa ka dhageystay warbixin ay soo diyaarisay wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha taasoo ku saasanayd warbixin sanadeedka-2023-ka guulihii laga gaaray qorshaha 9-aad ee horumarinta Qaranka.













