Gudoomiye ku xigeenka Arimaha Bulshada Ee Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basmo Caamir Shakeeti ayaa maanta daah-furtey munaasabadda BANDHIGA BUUGAAGTA BANAADIR (BBB) oo lagu daah-furey xarunta Dhalinyarada Gobolka Benadir ee #mogadishu_one_stop_youth_center.
Bandhiga Buugaagta Banaadir ayaa socon doono muddo 3 maalin ah, iyadoo lagu soo bandhigi doono buugaag badan oo ay qoreen dhalinyaro kala duwan oo isugu jira rag iyo dumar.
Guddoomiye ku xigeenka Arimaha Bulshada Gobolka Banaadir iyo Gudoomiyaha Dhallinyarada Gobolka Banaadir Cabdikaafi Makaraan ayaa bogaadiyay dhalinyarada sida weyn oo ay ugu qeyb qaadanayaan inay buugaag ugu deeqaan Maktabadda Eng. Yariisow ee xarunta dhalinyarada gobolka Benadir.














