Ra’iisul Wasaaraha XF Soomaaliya oo Magacaabay Wasiirro cusub, halka Wasiirro ka tirsanaa XFS laga Qaaday xilalkii ay u hayeen

0
416

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, mudabe Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay xubno ka tirsan golaha wasiirrada xukuumada federaalka Somalia, kuwaas oo mid ka mir ah laga beddelay wasaaraddiisii, halka kuwo kale ay yihiin xubno cusub oo ku soo biiray golaha wasiirrada.

Wasiirrada uu maanta magacaabay Ra’iisul Wasaare Xamse ayay tiradoodu tahay lix xubnood, waxa ayna kala yihiin;

1. Mudane Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, waxaana uu horay u ahaa; Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta.

2. Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta.

3. Jen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Far-taag), Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha.

4. Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha.

5. Mudane Maxamed Aadan Macallin, Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda.

6. Mudane Cumar Axmed Maxamed, Wasiir-u-dowlaha Wasaaradda Bay’ada iyo Isbeddelka Cimilada.

Haddab, Wasiirrada xilalkooda waayay, waxaa ka mid ah; wasiirrada wasaaradda Tamarta iyo Biyaha iyo wasiirka Isgaarsiinta, Boostada iyo Tiknolojiyadda oo aan wax xil ah loo magacaabin.

Magacaabidda ayaa kusoo beegmaysa, xilli wasaaradahan qaarkood ay muddo dheer ahaayeen wasiir la’aan, waxaana tani ay qayb ka noqonaysaa isbedellada xukuumadda federaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here