Guddoomiye Madaale oo Dhagax-dhigay Dhismaha Waddo Laami ah oo laga Hir-gelinayo Caasimadda: SAWIRRO + MUUQAALLO

0
364

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax-dhigay dhismaha waddo laami ah oo laga hirgelin doono waddada Ciise Cabdi ee degmada Deyniile oo ka billaabato isgoyska Ifka-Xalan siina marta xaruntii idaacaddii Hornafrik.

Dhagax-dhigan waxaa goob-joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir, Mudane Ciise Maxamud Guure iyo xildhibaanno ka tirsan DFS, waxaana mashruuca dhismahan qayb ka ah barnaamijka dalkaaga ku dhiso hal doollar, iyada oo la kaashanayo bulshada reer Deyniile.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Madaale ayaa kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed inay u midoobaan horumarka Caasimadda iyo taageerada hawl-gallada dalka looga sifeynayo kooxda diin-laawayaasha ee Khawaarijta ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here