Wasiirka Gaashandhigga Somalia, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa xilalka u kala wareejiyay taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Jen. Ibraahim Sheekh Muxyadiin iyo Taliyihii hore ee CXDS, Jen. Odawaa Yuusuf Raage.
Sidoo kale, taliyihii hore ee ciidanka dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jen. Maxamed Tahliil Biixi ayaa xilka ku wareejiyey taliyaha cusub Jen. Axmed Aadan Cali.
Munaasabadda xik-wareejinta oo ahayd mid koobam ayaa ka dhacday xarunta wasaaradda difaaca Soomaaliya, waxaana xil-wareejinta goobjoog ka ahaa qaar ka mid ah sraakiisha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.



Haddaba, Akhriso taariikh nololeedka taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Jen. Ibraahim Sheekh Muxyadiin.
Taliyaha CXDS, Jen. Ibraahim Sheekh Muxyadiin, , waxa uu ku dhashay Muqdisho sanadkii 1960-kii.
Waxbarasadiisa Hoose iyo Dhexe waxa uu ku qaatay Dugsiga hoose iyo dhexe ee Xamar Jadiid- ee Magaalada Muqdisho 1977-kii.
Sanadkii 1977-kii waxa uu ku biiray ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.
Sanadkii 1981-kii waxa qaatay Shaadada Dugsiga Saree ee Schoolka Wadajir Sare ee Muqdisho.
Isla sanadkii 1981, waxa uu ku biiray layli sarkaal, waxaana lagu xareeyay Akaadeemiyadda CXDS ee Muqdisho, waxa uuna qaatay xidigtii ugu horeysa 1984-kii.
Sanadkii 1984-kiiwaxaa uu ka qalin jabiyey Akadeemiyadda Saariiksha, waxa uuna qaatay L/x/Le.
Sanadkii 1986 waxaa uu Tababar dhanka Hoggaaminta (Junior Staff College) ku qaatay Akadeemiyadda CXDS, waxaa uuna u dalcay derajada Captain.
Sanadkii 1988 waxaa uu qaatay Tababar heer sare (Advance Course), waxaa uuna u dalcay derajada Gaanshaanle.
Sanadkii 1990-kii waxa uu u dalcay derajada G/Dhexe.
Isla sanadkii 1990-kii waxa uu ka baxay Machadka Luqadaha ee CXDS.
SHAQADA: Bur-burkii ka hor waxa uu ka soo shaqeeyay Hoggaamada, iyo Qeybaha kala duwan ee CXD isaga oo gaaray ilaa Taliye Hoggaan.
Sidoo kale waxa uu ka mid ahaa Ciyaartooyda ciyaaraha fudud ee kooxdii Wagad.
1991- waxa uu la soo shaqeeyay Dowladdii KMG ahayd.
2003-waxaa uu la soo shaqeeyay DKMg (TNG), waxa uuna u dalcay G/Sare.
2003 ilaa 2008 waxa uu ahaa ganacsade.
Isla 2008-waxuu noqday Gudoomiyihii G/benaadir ahna duqa Muqdish iyo Guddigii dhisidda Golohii deeganka Gobolka Benaadir.
2012- 2015 waxa uu ahaa madaxii habmaamuuska Madaxweynaha dalka.
2015-2017, waxa uu dalacay derajada S/guuto waxa uuna noqday Taliyihii Guutada Madaxtooyada.
2023- waxaa loo Magcaabay Taliyaha CXDS.













