Guddoomiyaha ururka Haweenka Gobolka Banaadir Marwo Jawaahir Maxamuud Jaamac ayaa sheegtay in haddii lala dagaallamo muqaadaraadka laga adkaan karo Kahwaarijta iyo cid walba oo khatar ku ah amniga caasimadda iyo kan dalka.
Marwo Jawaahir Baarqab oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in kooxaha ka tirsan dhagar-qabayaasha ay hadba meesha ay yimaadaan isku ekeysiiyaan, iyadoo xustay inay aaminsan tahay in si fudud looga adkaan karo argagaxisada iyo kuwa la midka ah.
“Duqa Magaalada Muqdisho waxa aan weydiisanayaa inuu xaddido mootooyinka, lagana dhigo midabbadooda afar nooc, waayo midabka guduudan waa kan inta badan dilalka shacabka loo adeegsado” ayay tiri Jawaahir Baarqab oo hadalkeeda raacisay in Khawaarijtu ay farsamooyin kala duwan la yimaadaan si ay amniga iyo xasilloonida magaalada Muqdisho u carqaladeeyaan.
Sidoo kale, Guddoomiyaha ururka Haweenka Gobolka Banaadir ayaa sheegtay in kooxaha carqaladeynaya amniga caasimadda ay ku jiraan kuwo siyaasadeed, iyadoo ku baaqday in wax laga qabto Garanwaaga noocyadiisa kala duwan.
“Ma aaminsani in iyadoo la joogo 2023-ka ay kooxaha maalin cad hoobiyeyaasha ku garaacaya magaaalada, mana rumeysani in ay yihiin Khawaarij, balse waxaa jira kuwo u eg oo dhibaato ku haya shacabka iyo weliba amniga caasimadda, waana in wax laga qabto” ayay hadalkeeda raacisay Marwo Jawaahir Baarqab.
Guddoomiye Jawaahir ayaa sheegtay in Garanwaa noocuu rabo ha ahaadee aysan cabsigelin karin shacabka gobolka Banaadir ku nool, lagana doonayo kooxahaas inay sharciga isku dhiibaan.
Ugu dambeyn, waxay sheegtay inay jiraan kuwo baraha bulshada dadka caasimadda ku nool ka cabsi-geliya, iyadoo dalbatay in wax laga qabto burcaddaas baraha bulshada oo qayb ka ah Garanwaaga lala dagaallamayo.












