Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Mas’uuliyiin kawada hadlay Amniga Caasimadda: SAWIRRO

0
27

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, Wasiir-u-dowlaha Amniga iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa kulan wadajir ah ka yeeshay arrimaha Amniga, la-dagaalanka maandooriyaha iyo anshaxa dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Caasimadda iyo nawaaxigeeda.

Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir iyo taliyaha hoggaanka anshaxa iyo la-dagaalanka maandooriyaha ee ciidanka booliiska Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Kulankan ayaa daba-socdo kulamo maalmihii lasoo dhaafay maamulka Gobolka Banaadir iyo Hay’addaha Amniga ay kaga tashanayeen sidii loo dardar-gelin lahaa Amniga Caasimadda, isla markaana isbeddel dhinaca Amniga loo qaadi lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here