Wasiirka cusub ee Wasaarada Arimaha Gudaha Xukuumadda Somalia oo Xilka la wareegay: SAWIRRO

0
309

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Saalax Jaamac, ayaa xilalka uu kula wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Mudane Cali Yuusuf Cali Xoosh iyo Wasiirkii hore ee Wasaaradda Mudane Axmed Macallin Fiqi.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa ku ammaanay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Mudane Axmed Macallin Fiqi xaqiijinta halbeegyo waaweyn oo ay lahayd wasaaraddu, kuwaasoo muddo gaaban lagu gaaray.

Ugu dambeyn, Mudane Saalax Jaamac ayaa sheegay in loo baahan yahay hannaanka dowladnimada Somalia in ay ka muuqato astaamihii federaalka, isaga oo kula dardaarmay wasiirka cusub in laga rabo hirgelinta doorasho ay dadweynaha Soomaaliyeed ku soo doortaan hoggaankooda, maadaama ay inta badan dhameystiran yihiin shuruucdii lagama maarmaanka u ahaa qabsoomidda doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here