Guddoomiyaha Midowga Afrika: Waa in la ixtiraamo Qarannimada, Madax-bannaanida iyo Midnimada Dhuleed ee Soomaaliya

0
290

War-saxaafadeed kasoo baxay Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat uu si dhow ula socdo xiisadda ka dhalatay heshiiska ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo gobolka Soomaaliyeed ee (Soomaaliland), waxa uuna ku baaqay in la dajiyo xiisadda ka dhalatay heshiiskaas.

“Guddoomiyuhu waxa uu ku baaqay in la muujiyo deggenaansho iyo is-tixgelin ka timaada labada dhinac, si loo yareeyo xiisadaha ka dhextaagan dowladda federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka Itoobiya.

Sidoo kale, guddoomiyaha Midowga Afrika
Midowga Moussa Faki ayaa ku baaqay in laga fogaado wax kasta oo keeni kara inuu xumaado xiriirka darisnimo ee ka dhexeeya labada dal ee Bariga Afrika ku wada yaalla.

“Waxaan ku baaqayaa in la ilaaliyo lana ixtiraamo madax-bannaanida, midnimada iyo sharafta dhuleed ee guud ahaan dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika oo ay ku jiraan dowladaha Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya,” ayaa Faki ku yiri bayaanka kasoo baxay Midowga Afrika.

Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in loo hoggaansamo shuruucda iyo xeerarka la xiriira dhawrista darisnimada si sare loogu qaado dhiirri-gelinta nabadda, ammaanka iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.

Midowga Afrika ayaa labada waddan ee Soomaaliya iyo Itoobiya ugu baaqay in si shuruud la’aan ah u billaabaan wadahadallo lagu xallinayo kala duwanaan-shiyohooda, iyadoo dhanka wanaagga laga eegayo, dibna ay u soo celiyaan iskaashigooda si looga wada shaqeeyo nabadda iyo xasiloonida gobolka.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ayaa sheegay in ay ka go’an tahay sidii xal waara loogu heli lahaa xiisadahan soo cusboonaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here