Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Wafdigiisa oo ay kulammo uga billowdeen Sucuudiga: SAWIRRO

0
463

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Riyaad ee Caasimadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya, halkaas oo ay uga billaabatay booqasho rasmi ah.

Wafdiga ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Magaalada Riyaad mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Hoose ee Riyaad iyo Dajiraha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya u jooga Sacuudiga.

Xubnaha wafdigaee gaaray Sacuudiga waxaa ka mid ah Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha bulshada Maamulka Gobolka Banaadir.

Duqa Muqdisho ayaa inta uu joogo dalka Sacuudiga, waxa uu kulammo lagu xoojinayo iskaashiga labada Caasimadood la yeelan doonaa amiirka magaalada Riyaad iyo madaxda Dowladaha Hoose ee dalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here