Guddoomiyaha degmada Warta Nabadda Seynab Maxamuud Xaabsey ayaa sheegaya iney meel wanaagsan marayso dhismaha wado Interlock ah oo isku xirta jid cadaha furayaasha iyo School-ka Maxamuud Xarbi, taasoo cabirkeeduna yahay 960M laguna dhisayo si isxilqaan ah .
“19 -12-2020 ayey ahayd markii uu dhagax dhigay Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho, waxayna qayb ka tahay dhismayaal dhowr ah oo aan ka wadno wadooyinka iyo laamiyada mara Degmada Wsrta Nabadda”. Ayey tiri Guddoomiyaha Warta Nabadda Marwo Seynab Xaabsey oo la hadashay Idaacacdda Codka Caasimadda.
Guddoomiye Xaabsey oo kormeer ku tagtay gelinkii dambe shalay ayaa intaa u mahadceliyey shacabka degmada oo iyagu gartay muhiimada ay wadadani u leedahay iyaga iyo bilicda degmadooda.