Maanta waxaa caalamka looga dabaaldegayaa maalinta caalamiga ah ee afka hooyo, soomaaliya waxay ka mid tahay meeelaha looga dabaaldegayo maalintaas qiimaha badan.
Prof. Mustafa Feyruus guddoomiye ku xigeenka Akadeemiye gopboleedka afka Soomaaliga kana mid ah barayaasha jaamacadda Muqdisho oo la hadlay idaacada codka caasimadda ayaa ku dheeraaday qiimaha maalintaa afka hooyo.
Waxa uu sheegay in aanu afka Soomaaligu ka mid aheyn afafka laga cabsi qabo inuu dabar go’o laakiin waxa uu hoosta ka xariiqay inuu jiro gaabis badan oo la xiriira dhinac warfaafinta, waxbarashada iyo xafiisyada dowladda.