Kulan looga hadlay Maareynta Mooto Bajaajta oo lagu qabtay Aqalka Dowladda Hoose: SAWIRRO

0
386

Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Jimcaale ayaa maanta shir-guddoomiyay kulan ku saabsan maareynta Moota Bajaajta.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Agaasimaha guud ee Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee XFS iyo taliyaha ciidanka Taraafikada.

Sidoo kale, Kulanka oo ah wajiga 1-aad oo ay yeeshaan guddi uu dhawaan magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), kuwaasoo kasoo tala-bixin doono sidii xal waara looga gaari lahaa maareynta Mooto Bajaajta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here