Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa xalay lagu qabtay munaasabad ballaaran oo lagu shaacinayay degmooyinka cusub oo sedex ah, kuwaas oo horey u ahaa deegaanno waxayna kala yihiin; degmada Garasbaaley, degmada Gubadley iyo degmada Daarusalaam, waxaana segmooyinkaan oo buuxiyay shuruudihii degmo ay ku noqon lahaayeen waxaana xeer kusoo saaray madaxweynaha JFS, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.
Munaasabadda ku dhawaaqista saddexdan degmo ee cusub waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha XFS mudane Cali Xoosh, wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda XFS, mudane Axmed Macallin Fiqi, guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ku-xigeennada maamulka gobolka Banaadir, xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee BFS, siyaasiyiin, odayaal-dhaqan guddoomiyeyaal degmo, agaasimeyaal iyo marti sharaf kale.





























































