Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay guulo ka gaartay dagaalka dhinaca maaliyadda ah oo qayb ka ah qaababka lagula dagaallamayo kooxaha Khawaarijta, sida dagaalka fikirka iyo ka ciidanka, dowladdu ay horumar la taaban karo ka samaysay.
Sidoo kale, Dowladda Soomaaliya ayaa joojisay baaddii Khawaarijta ay ka qaadi jirtay badeecadaha ka soo dega dekedaha iyo garoomada diyaaradaha dalka, iyadoo meesha laga saaray lacagihii ay ka heli jireen wax kala iibsiga iyo helista macluumaadka ganacsiga, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta dalka.
Waxaa maleeshiyada laga qabsaday Magaalooyinkii ugu waawaynaa ee ay u isticmaalijireen uruurinta xoolaha ay ka dhacaan dadka, sida Masaajid Cali-guduud, Xarardheere, Moqokori, Aadan Yabaal iyo kuwo kale oo u ahaa ilo dhaqaale, iyadoo la burburiyey goobihii ku hareeraysnaa magaalada Muqdisho ee ay ku qaadan jireen Lacagaha Bbaadda ah, kuna handadi jireen shacabka.
Haddaba, AKHRISI Qoraalka kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya: