Ra’iisul Wasaare Xamse Barre si Rasmi ah oo Xarigga uga jaray Dhismaha Qaybta Baarista Dambiyada ee C.I.D: SAWIRRO

0
246

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee qeybta baarista danbiyada ee C.I.D oo lagu soo kordhiyey qalab casri ah.

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dhismahan cusub uu qeyb weyn ka qaadan doonno Horumarinta caddaaladda, ka hortagga iyo dabatagga danbiyada, xukuumadduna ay mudnaan gaar ah siineyso tayeynta iyo horumarinta caddaaladda oo muhiim u ah dalka.

Waxa uu xusay Mudane Xamsa in Boolisku uu yahay isha laga arko dal horumarkiisa iyo caddaaladdiisa, si taas loo xaqiijinaya ay muhiim tahay in la tayeeyo booliska iyo caddaaladda dalka oo ah labo qeybood oo iskabaya.

Ugu dambeyn, Raโ€™iisul Wasaaraha Somalia oo kormeerey qeybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay dhismaha cusub, ayaa uga mahadceliyey Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo heyโ€™adihii gacanta ka geystay hirgelinta dhismaha cusub ee loo sameeyey Heyโ€™adda Baarista Danbiyada ee C.I.D.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here