Boliiska oo ka warbixiyay dhimasho iyo dhaawac ka dhashay qarax ka dhacay Muqdisho

0
974

10 qof ayaa ku dhimatay Qaraxa 30-kalena weey ku dhaawacmeen qarax lala eegtay maqaayadda luul Yamani oo u taalla meel u dhow  dekadda Muqdisho.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Dhamme Sidiiq Aadan Cali oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qaraxa ayaa loo adeegsaday Mootada nooca xamuulka qaada oo laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa sida uu sheegay Afhayeenka ciidanka Booliska.

Waxuu intaas ku daray inuu jiro burbur hantiyeen oo ay goobta ku burbureen gaadiid iyo dhismayaal ka ag dhawaa goobta uu qarax ka dhacay .

Dhinaca kale Gadiidka Gurmarka deg deg ah ayaa sheegay in ku dhawaad 15 ruux oo dhimasho ah ay goobta ka qaadeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here