Maxkamadda G/Banaadir oo lasoo taagay Saraakiil ku eedeysan Xatooyo iyo Musuqmaasuq: SAWIRO

0
293

Maxkamada gobolka Banaadir ayaa maanta dhageysanaysa dacwada loo haysto afar sarkaal oo ka tirsan hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya, kuwaas oo ku eedaysan musuqmaasuq iyo xatooyo xoolo dadweyne.

Afartan eedaysane ee maxkamadda lasoo taagay ayaa waxa ay magacyadoodu kala yihiin: Cabdullaahi Maxamuud Cosoble, Cumar Macallin Nuur, Saabir Xasan Cabdinuur, iyoAadan Maxamed Cabdi oo dhammaan loo haysto xatooyo iyo inay ku kaceen musuqmaasuq baahsan intii ay ka mid ahayeen hawl-wadeennada hay’adda  socdaalka iyo jinisayada  Soomaaliya.

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay u  sheegay in aysan marnaba aqbali doonin in la musuqo hantida ummadda ee ay dowladda mas’uulka ka tahay.

Ugu dambeyn, Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa waxay dhageysiga dacwada u tabinaysaa si toos ah oo shacabka oo dhan ay daawanayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here