Mdaxweyaha Galmudug ayaa maanta la kulmay qaar ka mid ah safiirada Beesha caalamka u jooga Magalada Muqdisho.
War qoraal ah oo uu madaxweyne axmed Cabdi Kaariye qoorqoor ku soo qoray bartiisa facebook ayaa u qoraa sidatan.
“Maanta waxaan magaalada Muqdishu kulan kula yeeshay qaar ka mid ah danjirayaasha beesha caalamka u fadhiya Soomaaliya.
Kulanka waxaa beesha caalamka uga qeybgalay Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya iyo Danjirayaasha Midowga Yurub, Sweden, Norway, UK iyo diplomasiyiin kale.
Waxaan kawada hadalnay dardargelinta doorashooyinka, amniga doorashooyinka, xaqiijinta qoondada haweenka iyo taageerada beesha caalamka ee ku aaddan habsami usocodka doorashada
Kulanka ayaan dhinaca kale diiradda ku saarnay Arrimaha horumarinta Galmudug, amniga iyo la dagaalanka argagaxisada sidii beesha caalamku gacan uga geysan laheed howlahaas muhiimada leh.














