Culummada Soomaaliyeed ayaa si weyn u soo dhaweeyay tallaabadii uu xalay guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ay tahay mid wanaagsan oo mudan in lagh taageero.
Culummadii hadashay waxaa ka mid ahaa: Sheekh Cali Sheekh Maxamuud (Sheekh Cali Dheere), Sheekh Yuusuf Cali Caynte iyo Sheekh Shariif Maxamed Cumar ayaa waxa ay sheegeen in taallabadii xalay ay ahayd badbaado ummadeed.
Agaasimaha arrimaha diinta ee wasaaradda Arrimaha Diinta iyo Awqaafta xukuumadda federaalka Soomaaliya, Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in tallaabadii uu Guddoomiye Madaale qaaday xalay ay tahay mid mudan in lagu ammaano laguna garab-galo.
“Usha Madaale xalay qaatay waxaa ka horeeyey ushii Cumar Bin Khidaab,” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere oo sheegay inay tahay waajib in la reebo wax walba oo xumaan ah.
Agaasime Cali Dheere ayaa intaas ku daray: “Culummada Soomaaliyeed waa kugu taageersan yihiin tallaabadii aad xalay qaadday, waana kugu garab taagannahay, waxaana ku leennahay noo yeer si aan hawlahan oo kale kuula qabanno.”
Sheekh Yuusuf Cali Caynte oo isagana la hadlay warbaahinta ayaa yiri: “Tallaabadii ay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo kaaliyeyaashiisu ay xalay qaadeen waxa ay ahayd arrin aad loogu farxo, wax ayna ahayd badbaado ummadeed.”
Waxa uu hadalkiisa raaciyay: “Haddaan xumida reebi wayno oo aan wanaagga is-fari wayno waan halaagsamaynaa, kuwa waxyaabahaas xun-xun sameynayana way halaagsamayaan.”
Dhanka kale, Sheekh Yuusuf Caynte oo ka hadlay kuwa daroogada dalka keena ayaa sheegay inay la mid yihiin kuwo inta dalka sun keenay dadka ku buufinaya, waxa kale oo ay ka xun yihiin buu yiri kuwo atoomik bam ummadda ku dhuftay.
Ugu dambeyn, Sheekh Shariif Maxamed Cumar ayaa warbaahinta u sheegay inay Duqa Muqdisho ku taageerayaan sidii loo suulin lahaa xumaha, wixii xalay uu sameeyay Mudane Madaalena waxay ahaayeen wax lagu farxo oo ammaan mudan.













