Guddoomiye Yabooh oo ka warbixiyay sida ay ku socdaan Lambareynta iyo Diiwaan-gelinta Bajaajta: SAWIRRO

0
416

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa booqday xarunta gaadiidka iyo dhul-bixinta oo ay ka socoto shaqada diiwaan-gelinta iyo lambareynta Mooto Bajaajta, isagoo u kuur-galaya habsami u socodka shaqada iyo dhageysiga muwaadininiita loo shaqaynayo.

Mudane Yabooh ayaa sheegay inay hawshu ku socoto si qurux badan, ayna muwaadiniinta Soomaaliyeed si aad u wanaagsan ay u ajiibeen amarkii dowladda, isagoo xusay in goobahaas uu u booqday sidii shaqooyinka loo hayo Bajaajleyda loogu fududeyn lahaa, aysan cariiri u dareemi lahayn, waqtiguna uusan ugu dheeraan lahayn.

“Rinjiyeybta iyo diiwaan-gelinta Mooto Bajaajta faa’iidooyin badan ayaa ku jira, waxaana ka mid ah; amniga, daqliga iyo in saxmad badan aan waddooyinka laga dareemin,” ayuu yiri Mudane Yabooh oo la hadlay warbaahinta.

Ugu dambeyn, Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir ayaa sheegay in labarka lagu buufinayo Mooto Bajaajta uu yahay BL lambar, kaasoo lagu aqoonsanayo inay mootadan A ama B tahay oo aanay dhici karin wax khayaano ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here