MADAXWEYNE XASAN: Cid walba oo Dagaalka aan Al-shabaab kula jirno naga taageeraysa waan Kaashanaynaa: VIDEO

0
346

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inay dalalka safka hore, kuwa safka dambe iyo cid walba ay u kaashanayaan dagaalka ay kula jiraan kooxaha Khawaarijta ah ee muddada dheer shacabka Soomaaliyeed ku hayay cuno-qabateynta iyo dilalka naxariis-daradda ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa su’aal ahayd ‘Maxay Dowladda Soomaaliya ugu kaashanaysaa dagaalka ay Khawaarijta kula jirto dalalka safka hore?’ oo lavu weydiiyay kulan dadweyne oo dhawaan ka dhacay Muqdisho, Waxa uuna sheegay in dalalka safka hore iyo cid kasta oo kale ay kaashanayaan si Al-shabaab loo baabi’iyo.

“Dalalka Safka hore iyo innagu waxaan ku heshiinnay inaan Al-shabaab gudaha dalka ku baabi’inno, waayo intay naga cararaan oo ay xuduudaha dalalka dariska nala ah galaan, markii la iska soo eryana ay innaga dib noogu soo noqdaan caqli ma ahan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Somalia wuxuu hadalkiisa raaciyay: “Dagaalka lagula jiro Al-shabaab innaga ayaa hoggaankiida leh, waxaana hoggaaminaya saraakiil Soomaali ah, meeshii aan rabno in xabbadda lagu rido ayaana lagu ridayaa, cid beddeli kartana ma jirto.”

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku sababeeyay in ciidamada dalalka safka hore ay dagaallada socda kala qayb-galaan dagaalka Khawaarijta ay tahay in aysan sida ay doonayaan aysan ka helayn ciidamada Midwoga Afrika ee ATMIS.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku adkeystay in xitaa haddii dagaalka ay kala qaybqaadanayaan, Mareykanka, Imaaraadka iyo Turkiga ay kaashanayaan si ay uga taqalusaan Khawaarijta dadkuna ay xoriyad iyo cabsi la’aan ugu noolaadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here