Xarunta Caafimaadka Degmada Waaberi oo lagu qabtay Todobaadka Naas-nuujinta oo lagu qaban doono dhammaan degmooyinka: SAWIRRO

0
294

Waaxda Caafimaadka Dowlada Hoose ee Xamar ayaa maanta ku qabteen xarunta caafimaadka degmada Waaberi ololaha toddobaadka naas-nuujinta oo shalay si rasmi ah u billowday, Ololahan oo socon doono muddo todobaad ah ayaa lagu qaban doonaa dhammaan xarumaha caafimaadka degmooyinka gobolka Banaadir.

Xuska todobaadka naas-nuujinta ayaa ujeeddadiisu tahay in hooyooyinka Soomaaliyeed lagu dhiirri-geliyo in ay nuujiyaan dhallaankooda dhawaan dhashay, si kor loogu qaado difaacooda jirkooda.

Ugu dambeyn, Agaasinka Caafimaadka Gobolka Banaadir, ayaa xoogga saaraya horumarinta caafimaadka gobolka iyo sidii shacabka Caasimadda u heli lahaayeen adeeg caafimaad oo tayo sare leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here