Guddoomiyaha G/Banadir oo Degmadda Shibis kaga Qeyb galay Xuska 13-SYL+Sawiro

0
360

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Galabta xarunta degmada Shibis uga qeyb galay munaasabad lagu maamusayay 79-guuradii kasoo wareegtay aas-aaskii ururkii Gobonima doonka Soomaaliyeed ee 13-SYL oo ku beegan 15-ka May.

Munaasabadan oo ay soo agaamiseen degmooyinka Qeybta Bari ee gobolka Banaadir ayaa waxaa goobta lagu soo bandhigay suugaan iyo khudbado looga hadlayey geesiyaashii Dhallinyarada Soomaaliyeed SYL ee dhaliyay xurnimada iyo qaranimada ay maanta heystaan ummada Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here