Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa Bayaan ka soo Saaray Weerarkii Pearl Hotel

0
286

Taliska Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayaa War-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii ay xalay Khawaarijtu ku qaadeen Hotel Pearl oo ku yaalla xeebta Liido ee magaalada Muqdisho. Haddaba hoos ka akhriso war-saxaafaeedka Booliiska Soomaaliya:

Xalay fiidkii 09/Jun/2023 abaare 07:55 PM ayaa 7 Naftood halige oo Khawaarijta Al-Shabaab ka tirsan weerar Naf-lacaarinimo ku qaadeen Hoteel Pearl oo ku yaalla degmada Cabdicasis.

Hoteelka ay maftood halige-yaashu weerareen ayaa ahaa goob ay dadka shacabka ah ku shaah cabaan, taas oo muujinaysa sida Khawaarijtu ay shacabka Soomaaliyeed ee Muslimiinta u la dagaalamayaan.

Ciidamada Ammaanka ayaa isla markiiba u howlgalay soo afjarista weerarka Khawaarijta, iyaga oo ku guulaystay in ay soo gabagabeeyaan weerarkaas abaare 02:00 AM.

Weerarka Khawaarijta waxaa ku shahiiday 6 muwaadin oo shacab ah, waxaana ku dhaawacmay 10 kale, intii ay badbaadintu socotay, waxaa ku shahiiday 3 ka mid ah Ciidamada geesiyaasha ee amniga oo u dagaalamayay badbaadinta shacabka Soomaaliyeed.

Alle mahadii, Ciidamada Amniga ayaa ku guuleystay in ay goobtaas si nabadgelyo ah uga saaraan 84 qof oo shacab ah oo ay ku jiraan carruur yar yar, dumar iyo dad waayeel ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here