Guddoomiye Wiish iyo Mas’uuliyiin kale Oo Soo Xiray Tartanka K/Koleyga D/G/Banadir+Sawiro

0
237

Waxaa Garoonka Kubadda Koleyga ee Wiish Stadium (Ex Luujino) lagu soo gaba-gabeeyay Tartanka Kubadda Koleyga ee Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir, taasi oo cayaartii Finalka Galabta isaga hor imaadeen Kooxda Kubadda Koleyga ee Shibis iyo Hodan, iyadoona Cayaarta ay kusoo idlaatay (56-47) Sidaana ay Horyaalka Kubadda Koleyga Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir ay ku noqdeen Naadiga Kubadda Koleyga ee Shibis.

Daawashada Cayaartaan oo aheyd mid aad u xiiso badan ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Cayaaraha, Guddoomiye Kuxigeenada Maamulka Gobolka Banaadir ee Amniga & Siyaasadda, Arrimaha Bulshada, Guddoomiyaha Isboortiga Gobolka Banaadir, Cayaartoy hore Guddoomiyeyaal Degmo, Agaasimeyaal iyo Taageerayaal kale oo aad u fara badan kuwaasi oo ka kala yimid Degmooyinka Gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here