Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta xarunta Aqalka Dowaldda Hoose ee Xamar ku qaabilay 450 caruur agoon ah iyo kuwa kasoo jeeda qoysas danyar ah kuwaas oo maanta laga farxiyay, iyaga oo loo qeybiyay dharkii ay uga qeyb qaadan lahaayeen munaasabada Eidul Fidriga oo nagu soo aadan.
Munaasabaddan waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada iyo wacyigelinta maamulka gobolka Banaadir, mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed iyo agaasime ku-xigeenka waaxda agoonta iyo da’yarta tabaaleysan ee gobolka Banaadir, marwo Ilhaan Aweys Axmed.
Sidoo kale, Dadkii deeqdan ciidsiinta ah ka faa’ideystay waxaa ka mid ahaa qoysas ka soo jeeda dalka Siiriya iyo qaar ka mid ah caruurta baahiyaha gaarka qaba, waxaana inta ay deeqdan socotay uu guddoomiye Yuusuf Madaale mid-mid warbixin uga dhageystay caruurtii iyo waalidiintii madasha ku sugneyd.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo warbaahinta la hadlay ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed ee EEBE wax siiyay in ay u naxariistaan oo ay il-gaar ah ku fiiriyaan caruurta agoonta ah iyo kuwa danta yar.
































































