Ra’iisul Wasaaraha XFS Somalia, Mudane Xamse Cabdi Barre oo maalmihii lasoo dhaafay waddanka ka maqnaa ayaa maanta dib ugu soo laabtay.
Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Golaha Wasiirrada, Masuuliyiin iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.
Ra’iisul Wasaare Xamse, ayaa sheegay in uu dadka iyo dalkaba ugu duceeyay in Rabbi nabadgelyo, Barwaaqo iyo midnimana ku gallado, intii uu Cimreysanayay.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa tilmaamay in sannadkan uu noqon doono mid ay dadka iyo Dowladda Soomaaliyeed muddo gaaban gudahood dalka kaga sifeyn doonaan Haraadiga Khawaarijta firxadka ah, dalkuna ku tallaabsan doono guulo kale oo waaweyn oo ay ka mid yihiin dhameystirka barnaamijka deyn cafinta, qabyo-tirka Dastuurka KMG iyo ka faa’iideysiga kheyraadka dalkeenna Eebbe ku galaday. 






















