Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa duqeyn ku dilay horjoogeyaal ka tirsan Al-shabaab oo ku sugnaa tuulo yar oo 20-km dhanka waqooyi Bari kaga beegan Deegaanka Goobaanle, ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Horjoogaasha Sare Alshabab ee duqeynta lagu dilay ayaa waxaa ka mid ahaa
- Sheekh Cabdi Gaab oo Al-Shabaa u qaabilsanaa Maxkamadda, Wanlaweyn, Beled Amiin, Goobaanle iyo Tuulooyinka ku xeeran.
- Macalin Bilaal oo ahaa madaxa wacyigelinta Alshabaab ee deegaanada Leego, Beled amiin, Goobaanle iyo Buur Heybe ayaa ka mid ahaa dadka duqeynta lagu dilay
Kooxda Al-Shabaab ayaan weli wax war ah ka soo saarin duqeynta lagu dilay horjoogeyaal sar sare oo ka tirsanaa Al-shabaab.
Diyaaradaha Mareykanka ayaa todobaadkaan aad u kordhiyay duqeymaha dhanka cirk ah ee ala beegsanayo Al-Shabaab.