Taliska Booliiska Gobolka Banaadir oo gacanta ku soo dhigay rag inay dhac geysteen ku eedeysan: SAWIRRO

0
322

Taliska qaybta guud ee booliiska gobalka Banaadir ayaa sheegay hawlgal ay sameyeen ciufanka Booliska ee ka hawl-gala saldhigga degmada Yaaqshid ay kusoo qabteen burcad hubeysan oo ku hawlanaa dhac ay u geysanayeen dad shacab ah, kuwaas oo adeegsanayay mootooyinka loo yaqaan Bajaajta.

Warkan ka soo baxay taliska qaybta guud ee booliiska gobalka Banaadir ayaa lagu sheegay in ciidamada booliska ay qabteen labo nin oo burcad ah, kuwaasoo bistoolad iyo toorreey dadka ku baaranayay xaafado ka tirsan degmada Yaaqshid ee gobalka Banaadir.

Sidoo kale, Taliska booliska G/Banaadir ayaa sheegay in burcaddan gacanta lagu soo dhigay la horgeyn doono sharciga, lana marin doono wixii sharcigu ku xukumo.

Ugu dambeyn, Booliiska ayaa sheegay in gacan bir ah lagu qaban doono kooxaha burcadda ah ee caadeystay dhaca iyo cabsi gelinta dadka shacabka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here