Munaasabad loogu mahad-celinayay guddigii qabanqaabada maalmaha xorriyadda ayaa caawa lagu qabtay xarunta degmada Yaaqsh9id ee magaalada Muqdisho, waxaana ka qaybgalay mas’uuliyiin kala duwan oo ay ku jireen Duqa Muqdisho iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.
Mas’uuliyiintii munaasabadda ka hadlay waxaa ka mid ahaa; guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo sheegay in munaasabaddan ay markhaati u tahay amniga caasimadda ka jira heerka uu gaarsiisan yahay.