Xarunta degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu qabtay munaasabad ku saabsanayd doorka bulshada kaga aaddan amniga, kaas oo ay ka qayb-galeen Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) wasiirro ka tirsan XFS, taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed, Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada maamulka Gobolka Banaadir, xoghayaha guud ee Gobolka Banaadir iyo taliska qaybta booliiska ee Gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha degmada Wadajir, Mudane Axmed Cabdulle Afrax ayaa tilmaamay in bulshada Wadajir ku nool ay yihiin kuwo nabadda iyo dowladnimada jecel, isla markaana la shaqeeya maamulka degmada.
Sidoo kale, Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Jeneraal Sulub Axmed Firin waxa uu sheegay in booliiska iyo shacabka ay yihiin kuwo si dhaw saaxiib u ah, loona baahan yahay in la xoojiyo wada-shaqeyntooda.
Wasiirka Amniga Qaranka XFS, Mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa dhankiisa tilmaamay in sugidda amniga ay tahay mas’uuliyada wadareed saaran shacab iyo dowlad, isla markaana amniga uu fure u yahay horumarka iyo dib-u-dhiska dalka.
Dhanka kale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay hirgelinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada iyo dib u dhiska Caasimadda.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia, Mudane Axmed Macallin Fiqi oo isna ka hadlay goobta ayaa bogaadiyay sida ay bulshada Caasimadda ugu basil yihiin dowladnimada iyo xoojinta horumarka.
Ugu dambeyn, Munaasabadda kaddib ayaa shahaadooyin sharafeed la guddoomsiiyay qaar ka mid mas’uuliyiinta degmada Wadajir, kuwaas oo lagu dhiirri-geliyay hawlihii wanaagsanaa oo ka qabteen degmada.




















































