Guddoomiyaha Degmada Hodan oo Kormeeray Dhismaha Waddada Taleex kana Warbixiyay Heerka ay Marayso: SAWIRRO

0
394

Guddoomiyaha Degmada Hodan, Mudane Cali Axmed Faarax ayaa maanta kormeer ku tagay dhismaha waddada Taleex oo mareysa heer gabo-gabo ah. Waxa uuna sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhameystiri doono dhiamaha waddadan oo muhiim u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka isaga gooaha qaybaha kala duwan ee Muqdisho.

“Ilaahay idankiis waxa aan rajeynayaa in aan maalmaha soo socda xarigga ka jarno dhismaha waddasan sida qorshuhu yahay” ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Hodan oo la hadlay idaacadda codka Caasimadda.

Degamda Hodon waa degmada ugu ballaaran ee ay ka socdaan horumarro laxaad leh, qaasatan dhanka dhismaha iyo bilicda guud ahaan gobolka Benaadir.

“Waxa aan ku ammaanaya ganacsatada iyo dadka deegaanka ee xafaadda Taleex sida ay uga qayb-qaateen dardar-gelinta dhismaha waddadan, waxaana dhawaan xarigga laga jaray waddooyin Interlock ah oo dhawaan ay maamulka iyo shacabka ku nool degmada ay hirgelintooda iska kaashadeen,” ayuu mae kale yiri Midane Cali Fahle.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha degmada Hodan ayaa sheegay in mashriicda lagu dhisimaha waddooyinka ay ka mid yihiin ballan-qaadyadii aan u sameynay shacabka degmada markii aan xilka la wareegayay.

Waxa uuna intaas ku daray: “Aniga ayaa waddadan dhib badan ku qabi jiray inta aanan guddoomiye ka noqon degmada. Maanta sharaf ayay ii tahay inaan rumeeyo rajadii aniga iyo shacabkeyguba aan lahayn ee ahayd in aan iska kaashanno dhisidda waddaadaan mariddeeda dhibta badan lagu qabay.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here